Sida lagu faafiyay warbaahinta Maamulka Somaliland Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kula talisay Dowlada Mareykanka inay saldhig Milatari ka sameystaan xeebaha Somalia gaar ahaan dhanka waqooyi ee maamulka Somaliland.

Talada Imaaraadaka Carabta ayaa ah ujeeedkeedu si Mareykanku kaalin uga qaato ammaanka badda cas iyo gacanka cadmeed madaama Mareykanku awoodo dhaqaale ahaan iyo milateri ahaanba.
La taliyaha amniga iyo madaxa Hay’adda sirdoonka ee Imaaraadka Carabta Sheekh Tahnoon bin Zayed ayaa  arintaan kala hadlay la taliyaha ammaanka Qaranka ee Dalka Maraykanka Jake Sullivan mar uu horaantii bishii June ee la soo dhaafay uu booqasho ku tagay Washington sida uu sheegay maamulka Somaliland oo so xiganayay
Warbaahinta Sheba Intelligence oo laga leeyahay dalka UK.
Inkastoo Maamulka Somaliland uu warkiisa ku daray in Imaaraadku wada hadalsiiyay Somaliland iyo Mareykanka si loogala xaajoodo saldhiga Milatari ayaa hadana waxaa qasab noqon doonta in Dowlada Somalia lagala hadlo arintaasi waaba hadii warkaani sax yahay madaama Somaliland uu yahay maamul ka mida Somali-weyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here