DUBAI (DAYNIILE.COM)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa warqadaha aqoonsiga ka aqbashay dublamaasi ay Taliban u magacawday inuu noqdo Safiirka Afgaanistaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Imaaraadku maanta oo Khamiis ah.

Imaaradka ayaa sidaas ku noqonaya waddanka labaad ee Khaliijka marka laga reebo Shiinaha oo aqbalay Talibanka. ergeyga heerkaas ah.

Advertisement

Diblomaasiyiinta Taliban ayaa gacanta ku hayay safaaradda Afgaanistaan ​​ku leedahay Abu Dhabi iyo qunsuliyadda ay ku leedahay Dubai.

Sarkaal ka tirsan Imaaraatka Carabta ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aqbalida waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee danjiraha Afgaanistaan ay dib u xaqiijinayso go’aanka dowladda Khaliijka ee ah dhismaha buundooyinka iyo caawinta Afgaanistaan, oo ay ku jiraan mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska.

Sarkaalku ma sheegin in Imaaraatka Carabta oo ka mid ahaa saddex waddan oo aqoonsaday dawladdii Taliban 1996-2001, ay hadda Taliban u aqoonsadeen dawladda Afgaanistaan.

Ma jirto dowlad kale oo si rasmi ah u aqoonsatay xukuumadda Taalibaan tan iyo markii ay xukunka dib ugu soo laabatay saddex sano ka hor, ilaa hadda kaliya Beijing ayaa si rasmi ah u aqbashay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Si kastaba ha ahaatee, Taalibaan xilalka u magacaabay ayaa xafiisyo diblumaasiyadeed ka wada wadamo dhowr ah oo ay ku jiraan Pakistan oo dariska la ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee ay maamusho Daalibaan ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee Arbacadii ku sheegtay in Mawlawi Badreddin Haqqani loo magacaabay safiir, wuxuuna warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta u qaabilsan arrimaha habmaamuuska.

SOURCE REUTERS

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here