Shirkada Hormuud ayaa faahfaahin ka bixisay fal maanta ka dhacay afaafka hore ee xaruntooda ugu qeyn ee suuqa Bakaaraha kadib markii laba askari oo hubeysan islamarkaana ka tirsan ciidamada Bolis Milataariyada Dowlada ay is rasaaseeyeen ilaalada shirkada.

Qoraal la sheegay inuu ka soo baxay shirkada Hormuud ayaa lagu faahfaahiyay dhacdadaani iyadoo lagu cadeeyay in ilaalada Hormuud dileen mid ka mida askarta kadib markii ay sida la sheegay ay rabeen in semi Card hormuud ay wateen in looga bixiyo lacag balse shirkadu ka diiday markii loo sheegay in lafta aysan lahayn askartu,.

Advertisement

Hadaba faafaahinta dhacdadaani ka akhriso qoraal ka soo baxay shirakda Hormuud sida la sheegay:-

Maanta oo taariikhdu tahay Talaado, 15, Aktoobar 2024, abaare 7:30 subaxnimo waxaa Xarunta shirkadda ee Hormuud Telecom yimid laba qof oo rag ah oo wata darays ciidan oo doonayay in lamber aysan lahayn ay kala baxaan lacago.
Kadib maxaa dhacay?
Labada nin mid ka mid ah wuxuu soo galay xarunta, halka kan kalena uu mooto bajaaj ay la socdeen kuna sugayeen, Hubin ka dib howlwadeenadii shirkadda Hormuud waxay ogaadeen in qofkaas uusan lahayn lamberka uu lacagta ka dirsanayey wayna ka diidan in ay howshaas u qabtaan.

Daqiiqado ka dib waxay keeneen xarunta gabadh, gabadhiina waxay sheegtay in la soo afduubay, balaayaddu halkaas beey ka billaatay, Muran kii halkaas ka dhashay ayaa wuxuu keenay in ay qoryohoodii la soo baxaan, halkaasna waxaa ka dhashay in ay rasaas isweydaarsadaan ragii hubaysnaa ee xarunta yimid iyo waardiyihii xarunta. Halkaas waxaa ku dhintay mid ka mid ah labadii nin, kii kale ee Ciidanka ahaana wuu cararay.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayay saraakiisha shirkaddu markiiba la xiriiray, wixii macluumaad ahna dowladda ayey shirkaddu ku wareejisay.

Tuugadii gabadha afduubatay Hormuud way iska celisay, gabadhii iyo Hantideediina way bad baadisay shirkaddu. Hormuud waxay shacabkeeda Macaamiisha ah ugu baaqaysaa iney ilaaliyaan shukuucda adeegga, haddii shirkadda talaabo qaldan loola yimaadana way is difaacaysa oo Dowladda Soomaaliyeed ayaa ogolaashahaas siisay Hormuud.

Muwaadin (Macmiil) Hormuud hantidaada way ilaalinaysaa, sabab kasta iyo waqti walba oo macquul ah.
Hormuud.

May be an image of text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here