TEL AVIV (DAYNIILE.COM)-Israa’iil ayaa ballan qaaday in ay ka aargudan doonto ka dib markii ay soo rideen gantaallo badan oo Iran ay soo riday, taas oo jawaab u ah dilka hoggaamiyeyaasha Xamaas, ee Hezbollah.

Iran ayaa weerar aan hore loo arag oo ka dhan ah Israa’iil ku qaaday, iyada oo gantaallo badan ku ridday Magaalada Tel-aviv ee xarunta Israa’iil.

Advertisement

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa weerarkooda kadib sheegay in ay gantaallo ku garaaceen Israa’iil si ay uga jawaabaan weerarrada Israa’iil ku hayso dadka ku nool Gaza iyo Lubnaan sidoo kale waxay sheegeen inay ugu aargudayeen dilkii Yuhuudu dhawaAN u gaysteen Hogaamiyiayaashii Hamas iyo Hezbollah.

Qeylo-dhaan ayaa laga maqlay gudaha Israa’iil fiidnimadii xalay iyadoo gantaallada ay ku dhaceen magaalooyin waaweyn,waxaana la sheegay in malaayiin Yuhuud ah xalay ku hoydee n godad dhulka hoostiisa ah intii weerarka gantaaladu socdeen madaama mareykanka sirdoonkooda la sheegay inay ogaadeen weerarka Iiran sidaansa ugu gudbiyeen saaxiibadoda Israa’iil.

Israa’iil iyo xulafadeeda ugu sarreeya, Mareykanka, ayaa sheegay in ciidankooda ay iska kaashadeen inay soo ridaan inta badan ku dhawaad ​​200 oo gantaal oo ay ridday Iran.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in wax yar oo kaliya laga diiwaan geliyay bartamaha iyo koonfurta dhulka ay xoogga ku heystaan  halka labo qof ay ku dhaawacmeen firir ku soo dhacay aagga Tel Aviv, sida uu sheegay adeegga degdegga ah ee Israa’iil.

                                          SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Iran's missile attack against Israel: What we know and what comes next | Israel  attacks Lebanon News | Al Jazeera

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here