Wararka laga helaayo Gobolka Doolo oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya islamarkaana ku yaal xad beenaadka Somalia iyo Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi lagu hor istaagay hub Puntland loo soo waday.
Gaari hubkaasi siday ayaa la sheegay inay ka war heleen shacabka Degmada Bookh oo ka tirsan Gobolka Doolo xili ciidamo Liyuu Boolis ay galbaniyeen waxaana dhacday is rasaaseyn dhex-martay dadka Bookh iyo ciidamadaasi.
Maleeshiya Beeleedka waa u suurtagali weysay inay hubkaasi kala wareegaan ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya kadib iska caabin lagala hor tagay,maleeshiyaadka ayaa dib isaga gurtay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hubkaasi loo waday dhanka Puntland balse lama oga inay ku lug leedahay arimo hub ka ganacsi ama mid siyaasadeed oo Madaxda Puntland iyo Itoobiya is ogyihiin.
Dhanka kale lama oga in hubkaasi loo gub-biyay dhanka Puntland iyo inay fashilintay oo dib loogu celiyay gacanta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Dhawaan ayay ahayd markii hub sidan oo kale loogu waday Soomaaliya lagana keenay Itoobiya in lagu boobay Magaalada Cabdud-waaq oo ka tirsan Gobolka Geddo kadib markii sidan oo kale ay shacabku ogaadeen in hubkaani qolo ganacsato Soomaaliyeed ah loo waday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here