XUDUR (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa  Howlgalo ka dhan ah Alshabaab waxay ka fuliyeen deegaano ku dhaw Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Howlgalka waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad,waxayna weerar ku qaadeen tuulooyin dhowr ah oo qiyaastii 60km Waqooyi kaga beegan Magaalada Xuddur.

Ciidamada waxay howlgalka ku soo furteen gaadiid shacab oo sida ay saraakiishu sheegeen u xanibnaa kooxda Alshabaab, kuwaasoo dhamaantood xor laga dhigay.
Howlgalkaani guuleystay waxaa  hogaaminayey Taliyaha guutada 9-aad Gaashanle Yuunis aadan Xasan iyo Abaandulaha guutada dhamme Cilmi Aadan Isaaq.

maaha markii ugu horeyay oo aagaasi ciidamadu howlgalo ka fuliyeen hore ayay dhowr mar weeraro ugu qaadeen fariisimp alshabaab ku leeyihiin duleedka Magaalada Xudur ee Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 6 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 5 people, rhinoceros and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleNo photo description available.May be an image of UluruMay be an image of 5 people and rhinocerosMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here