HomeWarkiiHowlgalka nabad ilaalinta Somalia oo qarka u saaran inuu dhaqaale la'aan u...

Howlgalka nabad ilaalinta Somalia oo qarka u saaran inuu dhaqaale la’aan u fashilmo

Midowga Afrika oo war cusub kasoo saaray dhimista ciidamada ATMIS | Shabelle Media NetworkADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Masuulka u sareeya Midowga Afrika ayaa qirey in dhaqaale la’aan ay soo wajahday howlgalka AUSSOM ee nabad ilaalinta Somalia.

Guddoomiya Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa si cad u sheegay in dalalkii dhaqaalaha ku bixin jirey Somalia ay hada ka caga jiidayaan,isagoona ka digay in Howgalka nabad ilaalinta Somalia ee  AUSSOM uu u fashilmo dhaqaale la’aan.

Ciidamada Afrika ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay mudo bilo wax mushaar ah qaadan xili sidaas oo kale uu hoos u dhac ku yimid bilaabashadii howlgalka cusub ee AUSSOM  kaasoo sanadkaan cusub qorshuhu ahaa in lagu badalo howlgalka ATMIS.

“Midawga Afrika wuxuu dadaal ugu jiraa sidii dhaqaale loogu heli lahaa ciidamada ka howlgala Somalia, sidoo kale waxaan wada-jir arintaan uga wada shaqeyn doonaa dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee caalamka, si aanu u burburn ama u fashilmin howlgalka Somalia”ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf

Gudoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu dhanka kale carabka ku adkeeyay in xasiloonida iyo ammaanka Soomaaliya uusan kaliya faa’iido u lahayn geeska Afrika balse uu faa’iido u yahay dunida oo dhan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -