Ciidanka Booliska ATMIS ayaa maanta bilaabay dhismaha Saldhigga Darussalam ee Gobolka Banaadir, kaasoo loogu talagalay in lagu tayeeyo booliseynta bulshada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Mashruucan waa qayb ka mid ah iskaashiga Booliska ATMIS iyo booliska Soomaaliyeed (SPF).

Intii ay socotey Munaasabadda, ayuu Isuduwaha Tababarada Booliska iyo Horumarinta ee ATMIS ACP Samuel Asiedu Okanta xaqiijiyay sida ay ATMIS uga go’an tahay in ay taageerto booliska Soomaliyeed si loo horumariyo awoodooda ay kula dagaalamayaan dembiyada.

Agaasimaha hawlgalada booliska Soomaaliya, Sar/Guuto. Maxamed Garaar, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay wadashaqeynta dhow ee ka dhaxeysa ATMIS iyo booliska soomaliyeed dhinaca xasilinta Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday ATMIS iyo booliska Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha booliska Soomaaliya ee G/Banaadir, G/sare. Mahdi Cumar Muumin iyo Injineerka Booliska ATMIS DSP Daniel Obochi.
May be an image of 7 people and textMay be an image of 8 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here