MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidanka booliska Atmis ee ka howlgala Muqisho ayaa ku faanay inay gacan weyn ka geysteen ama door muhiim ah ka ciyaareen dhisidda karaanka Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Dalalka ay ciidamada Booliiska ka joogaan Somalia ee kala ah Ghana, Kenya, Nigeria, SierraLeone, Uganda, & Zambia ayuu Howlgalka Atmis ku libin sheegtay inay dhiseen dhigooda Somalia.
“Booliiska ATMIS ee ka soo kala jeeda dalalka Ghana, Kenya, Nigeria, SierraLeone, Uganda, & Zambia ayaa door muhiim ah ka ciyaaray dhisidda karaanka Ciidanka Booliska Soomaaliya si loo xaqiijiyo sare-u-qaadista tayada booliska Soomaaliya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS .
Faanka ka soo yeeray ATMIS ayaa ku soo aadaya xili hay’adaha amaanka ee Dowlada Somalia ay inta badan amaanka dalka sida Muqdisho iyo inta badan gobolada Koofureed ee dalka ay ay iyagu gacanta ku hayaan ayna ka maarmaan gacmaha shisheeye.
Booliiska ayaa ka howlgala meelo cayiman sida ilaha dhaqalaha dalka iyo Xalane balse guud ahaan degmooyinka Muqdisho iyo kuwa Gobolada Dalka waxaa ka howlgala ciidamo Soomaliyeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM