Sida lagu shaaciyay warbaahinta SNTV Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa xalay Saqdi dhexe waxa ay weerar ku qaadeen xubno Horjoogayaal ah oo Khawaarijta ka tirsan kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Dabagalo oo hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

Saraakiisha Howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay iney khaarijiyeen qawaarij ku sugneyd bar-control oo ay ku lahaayeen deegaanka Daba-galo ee gobalka mudug.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in la khaarijiyay 6 Xubnood oo ka tirsan khawaarijta, mid kamida ayay ku sheegeen inuu ahaa horjoogihii sakawaadka ee deegaanka Daba-galo iyo deegaanada kale ee hoosyimaada.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here