Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Jamaame.
Deegaanada howlgalada ay ka fuliyeen ciidamada is kaashanaya waxaa ka mid ah Muuse Xaaji, Malaayley, Bandar jadiid iyo Haraare oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanadaas, islamarkaana lagu burburiyay fariisimo ay kooxdu ku laheyd deeganadaas.
Saraakiisha ciidamada ma shaacin tirada rasmiga ah ee kooxda Al-shabaab looga dilay howlgalada ay fuliyeen, marka laga soo tago iney sheegeen in xubno badan looga dilay kooxda.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka waxay sidoo kale sheegeen iney sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan goobaha Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaanada ku yaala maamulka Jubbaland.
