Howlgal lagu qaarijiyay sargaal sare oo alshabaab ah ayaa ka dhacay gobolka shabeeladda dhexe ee maamul goboleedka hirshabeele.

Sargalkaan waxaa  lagu magacaabi jiray farey macalin xasan (gerbowd).

Advertisement

Ciidanka Deegaanka Ceel-bacad ayaa sarkaalkaani maanta ku dilay tuulada ceel gorof oo hoostagta deegaanka Ceel-bacad.

Sarkaalkaan oo caan ka ahaay guud ahaan gobolka shabeelada dhexe ayaa Alshabaab u qaabilsanaa soo uruurinta sakawaadka isagoo ka soo shaqeeyay degmooyinka kala ah Balcad, Masaajid Cali-Gaduud iyo Ruun-nirgood.

DHanka Alshabaab wali kama hadlin dilka masuulkaasi iyaga muhiimka u ahaa loogu geystay halkii uu uga shaqeynaayay ee Gobolka shabeelaha dhexe.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here