GAL-CAD (DAYNIILE.COM)-Milatariga Somalia iyo Macawisleyda deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay maanta howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Inkastoo warar madax banaan aan laga heyn howlgalkaasi ayaa hadana war ka soo baxay Dowlada dhankeeda waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 10 ka mida dagaalamayaasha Alshabaab.
Sidoo kale warka  laga helayo dhanka Dowlada waxaa lagu shaaciyay in ciidamada howlgalka fuliyay ay sidoo kale alshabaab ka furteen  hubkii iyo gaadiidkii ay wateen.
Gaadiidka Alshabaab laga qabsaday waxaa lagu kala sheegay gaari dagaal nuuca Cabdi-bilaha loo yaqaan iyo gaari booyad ah oo ay biyo ku wateen,sidoo kale hub ayaa laga furtay sida Warbaahinta dowladu shaacisay gaar ahaan kuwii ay wateen kooxda la dilay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 5 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here