Ciidamada Dowlada Somalia oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa howlgal lagu beegsaday Daacish waxay ka fulyeen Gobolka Bari ee Maamulka puntland.
Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Drons-ka lagana leeyahay Mareykanka ayaa weerarkaani fulisay waxaana lagu bartilmaameed-saday dagaal yahano Daacisha ka tirsan oo ku sugnaa Magaalada Qandal ee Gobolka Bari.
Kooxaha ay gantaalada la dhacday diyaaradu waxaa la sheegay inay isku urursanayeen  halkaasi markii la duqeynayay.

Dowlada Somalia iyo maamulka Puntland wali wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi Daacish lagu qaaday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here