Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ay maanta ka fuliyeen deegaanno dhaca xadka gobollada Baay iyo Bakool ku burburiyay goobo ay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka qorsheysan ee lagu baacsanayo Khawaarijta ayey Ciidanku ka sameeyeen deegaannada Ceelshariif, Mooro-Busle iyo Ceel-Mareere oo ku yaala inta u dhexeysa degmada Bardaale, iyo deegaanka Goofguduud Buurey,waxaana ay Ciidanka Xoogga dalka ay cagta mariyeen saldhigyo ku sheegii Khawaarijtu ay ku dhuumaaleysanayeen.

Taliyaha Ururka 47aad ee Guutada 8aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka laba xidigle Axmed Maxamed Nuur ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanku ay ku guuleysteen inay shacabka ka dulqaadaan dhagartii iyo isbaarooyinka ay Khawaarijtu ugu dhigan jirtay dhulka howdka ah.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and tree
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here