Ciidanka Xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa howlgal sifayn ah ka sameeyay degmada Runirgood iyo deegaannada hoostaga ee gobalka Shabeellaha Dhexe

Howlgalladaan sifaynta ah ayaa lagu baacsanayay maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay inay deegaannadaan si dhuumaalaysi ah ku soo galaan ayaga oo dhibaataynaya dadka shacabka ah.

Advertisement
Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan degmada Runirgood iyo deegaannada hoos taga ay yihiin kuwa nabad ah, isla markaana ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ay diyaar u yihiin inay si wadajir ah isaga difaacaan khawaarijta.
May be an image of 4 people and rhinoceros
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here