Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Si wadajir ah u fuliyay Howlgal lagu nadiifinayay wadooyinka ay ku dhibaateeyaan Khawaarijta ee dadka Shacabka ah isticmaalaan.
Howlgalka ayaa si wadajir ah loogu sameeyay tabeelaha,shareey,buulo xaashi, garas bandiiro ,burdaan iyo deegaano kale oo hoostaga gobolka shabellaha Hoose
Ciidanka ururka 64 aad ee Guutada 7 aad qeybta 12 april, kumaandooska danab iyo Ciidanka Booliska Saldhigga Wala weyn ayaa Howlgalka Si wadajir ah u fuliyey.
Taliyaha Ururka 64 aad ee Guutada 7 aad Cali Cabdullahi Halac oo Howlgalka Hogaaminayay ayaa shacabka Soomaaliyeed Faray in ay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka ayna soo gudbiyaan Xogaha Cadowga.
=XIGASHO RAADIYAHA CIIDAMADA DOWLADA=
Advertisement