Howlgalkan oo ujeedkiisu ahaa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha Guutada 9-aad, Dhamme Cilmi Aadan Isaaq,Ciidanku waxay si xeel dheer uga howlgaleen deegaanada Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor ilaa Garas, halkaas oo ay ciidanka Jab ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay tuulooyinka ciidanka xds howllgalka kasameeyeen iyada oo la burburiyay goobo ay ku dhuumaaleeysanayeen.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidanku ay cagta mariyeen xarumo ay Khawaarijtu isku urursanayeen, taasoo kor u qaadaysa nabadda iyo amniga gobolka. Dadka deegaanka ayaa si diirran u soo dhoweeyay howlgalkan, iyaga oo muujiyay kalsoonida ay ku qabaan CXDS oo si geesinimo leh ula dagaallamaya kooxaha argagixisada ah.











Advertisement