Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Ururka 8aad Guutada 18aad ee Gor-gor, ururka 291aad Guutada 29aad ee daljir iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiran, halkaas oo la sheegay iney isku Aruursanayeen malleeshiyaad ka tirsan Khawarijta.

Howlgalka oo ay wadajir u hoggaaminayeen Abaanduuliyaha ururka 8aad guutada 18aad ee Gor-gor Naqiib Abdullaahi Xersi iyo Taliyaha Ururka 291aad Guutada 29aad ee Daljir G/le Cali Cadde, waxaa cagta lagu mariyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijtu oo ku yaalay deegaanka Beero-yabaal oo hoostaga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ciidamada Xoogga Dalka ay ku doonayaan inay Alshabaab kaga saaraan guud ahaan gobolka Hiiraan.
May be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here