Hawlgal socday 10-saacadood, ayay ugu dambeyn ciidamada India ku soo furteen markab lagu heystay xeebaha Soomaaliya iyo waliba shaqaalihii la socday kaasoo ahaa markab ganacsi.
Kooxaha loo yaqaan burcad badeeda ayuu u afduubnaa markabkaani,waxaana dhex maray dagaal culus kooxahaasi iyo ciidamada India ee ka howlgala cas.
Taliyaha Ciidamadaasi hogaaminayay Akshay Saxena ayay Dowlada India siisay abaal marinta Biladda Vayu Sena (Gallantry) madaama uu geesino muujiyay.
Shaqaalaha markabka ee burcada laga soo furtay ayaa tiradooda lagu sheegay 17 ruux kadib howlgalka kumaandooska Dalka India oo saacada badan socday.
Ciidamada India ee howlgalka sameeyay ayaa ahaa 18 kumaandoos ah kuwaasoo diyaarad lagu keenay kadibna laba doonyood oo yar yar ayay qaateen sidaas ayayna ku weerareen si qarsoodi ah kooxda Soomaalida ah, wayna ka soo furteen shaqaalihii afduubka lagu heystay.
XA FIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM