HomeWarkiiDagaal mar kale Saaka Alshabaab looga saaray deegaanka Abooreey

Dagaal mar kale Saaka Alshabaab looga saaray deegaanka Abooreey

BUULO-BURDE (DAYNIILE.CON)-War goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia ayaa looga hadlay howlgal ciidamada Dowlada Somalia iyo macawisleyda ay iska kaashadeen oo laga fuliyay deegaanka Abooreey ee duleedka Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo saaka la fuliyay ayaa la soo sheegayaa inay ciidamada Dowladu ku guuleysteen inay gabi ahanba kooxda Alshabaab ka saareen deegaankaasi oo ay saacadihii ugu dambeeyay ku soo noqnoqnayeen.
Sidoo kale warka Dowlada waxaa lagu sheegay in ciidamadu sii daba joogaan firxadka maleeshiyaadka Alshabaab ee laga eryay deegaanka Abooreey oo warar madax banaan sheegayaan inuu yahay deegaankaasi mid istaraatiiji ah oo sidaas alshabaabku ugu daneynayaan balse laga hor taagan yahay.
Sidoo kale warka saaka Dowladu soo saartay waxaa lagu sheegay in howlgalo kale ay gobolada ka socdaan sida nawaaxiga degmada Runirgood, deegaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed oo gobolka Shabeelada Dhexe ka tirsan iyo deegaanno dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Isu geyn dhammaan hawlgallada iyo weeraradaasi ay qaadeen ciidamada Dowalada iyo kuwa deeegaanka oo iskaashanaya ayay Dowladu shaacisay in jab xooggan lagu gaarsiiyey dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -