Ciidamo ka tirsan Milatariga Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Alshabaab waxay ka sameeyeen xadka Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.
Ciidamadaan oo ah Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howgalkooda waxay cagta ku mariyeen kooxo ka tirsan xooggaga Alshabaab oo goobahaasi ku sugnaa.
Howlgalka wuxuu si gaar ah uga dhacay wadooyinka xiriiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.
Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada howlgalkaani waxaa sidoo kale lagu burburiyay goobo gambaad u ahaa Alshabaab islamarkaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM
Advertisement