No description available.
RUUN-NIRGOOD (DAYNIILE.COM)-Wiil yar oo mudo sanad iyo bilo ka tirsanaa Alshabaab ayaa soo galay gacanta Ciidamada Dowlada Somalia kadib howlgal ay ka fuliyeen egmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wiilkaan oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Macalin Cusmaan islamarkaana Alshabaab looga yaqaanay Ilyaas ayaa ka sheekeeyay markuu ku biiray kooxdaasi iyo tababarkii uu soo qaatay mudadii uu ka tirsanaa.
C/llaahi wuxuu xusay in xoog lagu kaxeystay xili uu wax barasho ku jirey sidaasna ay ugu qasbeen inuu iyaga ka mid noqdo kadibma mudo ay meel ay ku hayeena ay tababar siiyeen.
“anoon raali ka ahayn ayay xoog igu kaxaysteen xili aan waxbaranaayay”ayuu yiri C/laahi oo intaasi ku daray in macalimiimta casharada siinayay marii tababarka loo bilaabay ay ay isugu jireen Soomaali iyo ajaaniib gaar ahaan Carab.
Warar ku dhaw dhaw Dowlada Soomaaliya oo looga hadlaayay soo qabashada C/laahi Macalin Cusmaan ayay ku sheegeen in la soo qabtay xili uu ku dhuumaaleysanayay Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan halka laga soo qabtay ee Ruunirgood.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No description available.
No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here