BOOSAASO (DAYNIINLE)-Howlgal Ciidamada Maamulka Puntland ee PSF ay ka sameeyeen Magaalada ceebeedka Boosaaso ayay ku soo qabqabteen koox dhalin yaro ah oo ku eedeysan inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.
Kooxdaan dhalinyarada ah ee Boosaaso laga soo qab-qabtay waxay si gaara ugu eedeysan yihiin inay Daacish ugu qaabilsan yihiin dhanka hanjabaadaha ganacsatada.
Wararka ciidamada ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in tirada eedeysanayaasha la qabtay ay yihiin sedex ruux kuwaasoo xabsiga loo dhaadhaaciyay inta baaristu ka soo dhamaaneyso.

Boosaaso iyo guud ahaan buuraleyda Gobolka Bari waa meelaha ugu badan ee ay dilalka iyo dagaalada ka fuliyaan kooxda Daacish marka loo eego deegaanada kale ee Puntland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of ‎2 people and ‎text that says "‎ا TOYOTA‎"‎‎May be an image of car, lighting and textMay be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here