Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Gaarka ah ee Danab ay si wadajir ah howlgal qorsheysan uga fuliyay deegaanka Wayaanta ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay sheegeen in jab xoogan ku gaarsiiyeen Kooxda Al shabaab.
Saraakiil la hadashay warbaahinta Jubaland ayaa sheegtay in Howlgalka uu ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu bartilmaameedsado godad dhulka hoostiisa ah oo ay Al shabaab ku dhuumanayeen, iyadoo howlgalku ku bilaabmay madaafiic xooggan oo lagu riday goobta, kadibna ciidanka ayaa si toos ah ula wareegay deegaanka.
Ciidamada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa ku guuleystay in ay dhulka la simaan godadkii ay Al shabaab ku dhuumanayeen, iyagoo awoodi waayay in ay meydadkoodii iyo saanadoodii qaataan godadka ayaana loogu tagay kuwii ka geeriyooday Al shabaab oo godadka dhex daadsan.
Saraakiishaan ayaa tilmaamay in Ciidanku ay weli ku daba jiraan firxadka Al shabaab ka carartay godadkoodii, iyadoo la filayo in hawlgalku sii socdo ilaa si buuxda aagaasi looga ciribtirayo Kooxdaan.
Tani ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Jubaland ay ugu jirto sidii looga dabar jari lahaa Degmooyinka iyo deegaanada Jubbaland kaga sugan yihiin Kooxda Al shabaab.