Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Lafo-gari, oo hoos yimaada degmada Dhoobley, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxaha argagixisada.
Intii uu socday hawlgalka, ciidamadu waxay ku guuleysteen inay bartilmaameedsadaan xubno sare oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta ah.
Waxaana lagu qaarajiyey afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta, halka gacanta lagu dhigay dhagar-qabe Macallin Maxamed, oo ahaa horjooge maxkamad beenaad ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka.
Advertisement