War lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay jab xooggan Khawaarijta ku gaarsiiyey howlgal qorsheysan oo saakay ay ka fuliyeen aagga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen in ka badan 10 Khawaarij ah oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, isla markaana ay sii haacsanayaan firxadka Khawaarijta.
Meydadka Khawaarijta lagu laayey aagga deegaanka Daynuunaay ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, waxaana ka daawa kartaan baraheena Telegram-ka, sidoo kale jira khasaare intaas ka badan oo gaaray cadowga Khawaarijta ah, saraakiisha ayaa noo sheegay in meydad iyo dhaawacyo kale ay horay u qaateen.



