Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhacay gobolka Mudug ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalada oo si gaar ah uga dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Jowle ayaa lagu dilay Amiirkii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Jowle oo magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Siciid Bulxiye.
Waxaa sidoo kale howlgalka lagu dilay 10 xubnood oo la tilmaamay iney ilaalalo u ahaayeen horjoogaa la dilay ee deegaanka Jowle Cabdulaahi Siciid Bulxiye, sida lagu xaqiijiyay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegeen iney sii wadi doonaan howlgalka, inta ay ka xureynayaan deegaanada ay kooxdu kaga sugan yihiin gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Advertisement
Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug waxa uu ka mid yahay gobolada ay sida xoogga leh uga socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.
Advertisement