Shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay nawaaxiga Xerada Dadab ee Dalka Kenya gaar ahaana inta udhexeeysa Deegaanka Sareedo iyo Hargabuule.

ilaa iyo 2 qof oo ahaa hooyo iyo gabar Yar ay dhashay ayaa kudhintey goobta shiilka uu kadhacay kadib markii ay isku dheceen gaari taxi ah oo saarnaayeen ilaa iyo lix qof iyo bus.

Advertisement

Sidoo kale shilka waxaa ku dhaawacmay 5 qof ah oo uu kamid yahay daraawalkii wadey gaariga tagsiga ah.

Darawalka Taksiga oo 26 jir ah ayaa magaciisa ku sheegay  Issack ,wuxuuna nooga waramay xaaladiisa caafimaad iyo sida ay wax u dheceen mar aan ku booqanay isbitaalka Xerada IFO.

“Gaariga aan wadey ayaa   si kadis ah hoosta kagaley baska,aana shock ayaan qaadey oo waan ka boodey oo gacantan midig aad aragto ayaa dhaawac iiga Soo gaarey.”ayuu yiri darawal issack

 

Rakaabkii saarnaa gaariga Bas-ka ahaa ayaa waxyeelo kasoo gaarin shilkasi balse dadkii dhimashada iyo dhaawacyada kasoo gaarey shiilkasi ay ahaayeen kuwii saarnaa taksiga.

Laamaha ammaanka ayaa iisheegey iney wadaan baaritaan ku aadan shilkan walow inta badan qaxootiga kunool xeryaha Dadaab ay sheegayaan in arrintan ay sabab utahay wada xumida ka jirta Deegaanka Dadaab iyo xeryaha.

Sikastaba ha ahaatee shilalka gawaarida ayaa siweeyn ugu Soo badanaya Deegaanka Dadaab iyadoo loo aaneynaya wado xumo baahsan oo kajirta Deegaanka Dadaab iyo xeryaha intaba.

Wariye Hassan Mwalimu

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here