Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Ciidamada Booliiska Kenya Hoyo dalkaasi u dhalatay magaceedana lagu sheegay Lorna Cherono ayaa dishay laba ka mida caruur ay dhashay kadibna iyadana ay is dishay.

Falkaan ayaa ka dhacay ismaamulka Bomet waxayna durba Boolisku bilabeen baaritaanka dhacdadaasi.

Advertisement

Haweeneydaan ayaa la sheegay in caruurta ay dishay ay sanad ahaan kala jireen 12 iyo 3 sano.

Paul Mutai oo ah adeerka haweeneyda ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka war helay in labada canug ay dishay iyadana ay xarig isku ceejisay,sidoo kale adeerka wuxuu xusay
in mararka qaar uu soo foodsaari jiray xanuun dhanka dhimirka ah sida ay sheegtay idaacada starFm ee codka waqooyi bari-Kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here