MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Tiro madaafiic hoobiyayaak ah ayaa saaka lagu weeraray xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabada oo aad ugu dhaw madaxtooyada Somalia.
Madaafiicda mid ka mida ayaa ku soo dhacay barxada Warta Nabada gaar ahaan dhabarka danbe ee Madaxtooyada kaasoo geystay dhaawaca laba ruux oo shacab ah kuwaasoo goobaha caafimadka loola cararay.
Dadka deegaanka iyo wariyayaal halkaasi ka soo waramay ayaa xaqiijiyay in labada ruux ee shacabka ah ee dhaawacmay ay yihiin nin hilib iibinayay iyo gabar ka iibsanaysay.
Sidoo kale madfac tiyaatartaka ku dhacay ayaa waxaa ku dhaawacmay qof howlswadeenada ka mida.
Sidoo kale lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu geystay hoobiye isna ku dhacay Degmada Boondheere.
Kooxda Alshabaab ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeeyaan hoobiyayaashaan inkastoo wali booliisku ka warbixin laakiin koxdaasi ayaa mar kasta sheegata hoobiyayaasha nucaan ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM