MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hoobiyayaal aan la aqoon meel laga soo riday ayaa saaka aroortii lagu garaacay qeybo ka mida Degmada Wada-jir ee Magaalada Muqdisho.

Guud ahaan hoobiyayaasha oo ahaa afar sida wararku u badan yihiin ayaa ku dhacay xaafada Ceel-qalow ee Degmada wada-jir waxaana ka dhashay inta laga war hayo khasaare hal ruux oo dhaawac uu soo gaaray.

Advertisement

Ciidamada Booliiska Dowlada Somalia ayaa gaaray xaafada Ceel-qalow oo ku dhaw garoonka diyaaradaha Adan Abdulle international Airport ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Dowlada ee goobta tagtay ma sheein wax khasaare ah oo ka dhashay hoobiyayaashaasi oo saaka laga maqalay dhamaan meelaha ku dhaw goobta madaafiicdu ku hoobteen.

lama yaqaan ujeedka iyo cida soo riday waxaase hore arimahaan oo kale loogu eedeyn jirey una sheegan jiray mararka qaar kooxda Alshabaab kuwaasoo gaari socda intay ka turaan hoobiyayaasha kadibna goobta ka baxsada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here