ENTEBBE (DAYNIILE.COM)-Shirkii shalay ka dhacay Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda islamarkana looga hadlayay howlgalka cusub ee Soomaliya ayaa ugu dambeyn laga soo saaray baaq ku socda dalalka daneeya arimaha soomaaliya iyo waliba dowlada Somalia.
Hoggaamiyeyaasha Afrika waxay ku baaqeen in ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaalin ah loo diro Soomaaliya si ay ugu kaashtaan la dagaalanka kooxda Alshabaab,ciidamada dheeraadka ah ee ay dalbanayaan in loogu kordhiyo ayay ku sheegeen ilaa 8kun intii hore la isugu ogaa xili Dowlada Somalia ay aad ugu dadaaleyso in mar kastaba aad loo yareeyo ciidamada shisheeye badalkooda la tayeeyo kuwa Somalia.
Hogammiyayaashaan Afrika oo ah kuwa ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa war ay ka soo saareen shirka waxay ku shaaciyeen  in laga yaabo in ciidamo dheeraad ah ay ka yimaadaan Masar.
Dalalka ku jira howlgalka cusub ee Somalia aya kala ah Uganda, Kenya, Jabuuti, Masar, iyo Itoobiya.
Hay’adaha Caalamiga ah ee goob jooga ak ah shirka Uganda ee amaanka Somalia looga hadlayo waxaa ay kala yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM