Madaxa Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, Naciim Qasem, ayaa sheegay in aanay aqbali doonin wax qiil ah oo lagu kordhinayo wakhtiga ay ciidamada Israa’iil ay kaga baxayaan koonfurta Lubnaan.

” Israa’iil waa inay ka baxdo sababtoo ah 60-kii maalmood waa  la soo dhaafay, mana aqbalayno wax cudurdaar ah oo lagu kordhiyo hal daqiiqo ama hal maalin,” ayuu ku yiri khudbad laga  soo duubay oo uu baahiyay telefishinka taageera kooxdu.

Advertisement

Israa’iil ayaa Jimcihii sheegtay in ka bixitaanka ciidankeeda uu socon doono muddo 60 maalmood ah, iyadoo  intaa ku dartay in qaar kamida qodobbadii heshiiska  xabbad-joojinta ah ee ay kula jirto Xisbullaahi aanay si buuxda u dhaqan gelin dowladda Lubnaan.

Maraykanka ayaa sheegay in heshiiska u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil uu sii jiri doono illaa 18-ka Feberaayo, taas oo kordhinaysa wakhtiga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta, kaas oo horay ugu ekaa  26-kii bishan Jannaayo.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here