Ciidamada daraawiishta Maamulka Puntland ayaa saaka weerar ay ku qaadeen kooxda Daacish waxay kala wareegeen meelo ay difaacyo kaga jireen oo ka tirsan togga Miraale ee Buuraleyda Goblka Bari.
Ciidamada Puntland oo aan wadan wax gaadiid ah madaama aaney halkaasi geli karin ayaa lug ku galay meelo ka mid ah goobaha ugu dambeeya ee kooxda daacisha kaga harsan tahay buuraha Gobolka Bari gaar ahaan aaga togga Miraale.
Godadkii ay dhufeysyada uga jireen ayay ugu daateen ciidamadui taasoo u sahashay inay aagaasi ka saaraan kooxda,waxaana uu howlgalkaani qeyb ka yahay dhameystirka wajiga 3-aad ee howlgalka.
Saraakiisha hogaamisa ciidamada ayaa war ay ka soo saareen dagaalka saaka waxay ku shaaciyeen in howlgalkaani lagu dilay qaar ka mida maleeshiyaadka kooxda Daacish kuwaasoo ku dhuumaaleysanayay meelo ku dhaw ceelka Miraale.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay mileeshiyaad ka tirsan argagixisadii ku dhuumanayay nawaaxiga ceelka Miraale islamarkaana laga saaray godadkii.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM