Ciidamada Israel ayaa sheegtay inay dileen Hogaamiyihii dagaal-yahanada Musliiinta ah ee Xamaas Yaxye Sinwar.

Yuhuudu waxay sidoo kale sheegeen inay baarayaan dilka Sinwaar  si ay u xaqiijiyaan kaasoo ay saacado ka hor tilmaameen inay ku dileen  marinka .

Advertisement

Hogaanka Xamaas dhankooda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kaasoo ay ku qirayaan in la dilay hogaamiyahoodii iyo inkale.

Saxaafada qaar ayaa  baahisay in Yaxye Sinwaar uu ku dhintay dagaal Gaza gaar ahaan Rafax ku dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil xili uu hogaaminayay dagaal toos ah oo fool ka fool ahaa.

Dhanka kale Gaza, ugu yaraan 42,438 qof ayaa lagu dilay 99,246 waa lagu dhaawacay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023,sidoo kale  ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 kalana way qafaasheen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Hamas Gaza Chief Yehya Al-Sinwar gestures during an anti-Israel rally in Gaza City

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here