HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Fanaanada caanka ah ee Hobolada Waaberi Hiba Maxamed (Hiba-Nuura) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Fanaanada oo 12 ka hor ugu dambeysay dalka ayaa waxaa hargeysa ku casuumay waxgaradka,aqoonyahanka iyo hal-doorka Magaaladaasi madaama asal ahaan ay halkaasi ka soo jeedo Fanaanadu.

Advertisement

Fanaanada ayaa kaga mahadcelisay reer Hargeysa soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxayna muujisay sida ay ugu faraxsan tahay imaanshaheeda iyo soo dhaweynta weyn ee loo sameeyey.

“Hargeysa waxaa iigu danbeysay oo aan imid saadkii 2012-kii waxaana muuqata isbadal xoog leh, waxaan booqday halkii la iiga qaaday heestii imtixaanka fankeyga”ayay tiri Hiba Nuura oo la hadleysay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga

Sidoo kale Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo hadalo kooban ka jeediyay soo dhaweynta fanaanada ayaa tilmaamay in hadii waqti uu u heli lahaa uu saacado ka sheekeyn lahaa taariikhda fanaanada,isagoo dadka xasuusiyay in mar wasaarada warfaafinta ugu tagay Fanaanada xili ay wada yar yarayeen isaguna uu ahaa Ardey Dugsi sare iyaduna fanaanad markaas soo baxeysay ay ahayd.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Hiba Nura

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here