Caddalle (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Degmo Xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in deegaanka ku dhaw ee Burka Derin lagu soo gabagabeeyay gogoshii nabadeed ee sanad ka hor la dhigay halkaasi.
Gogoshaan oo uu dhigay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu heshiisiiyay laba Beelood oo halkaasi wada dega kuwaasoo marar badan isku dhacay dad badana iska dilay,sidoo kalana gurybo badan iska gubay.
Gogogasha oo ay Odayaasha dhaqanka Beelaha Muddulood ku garab siinayeen Xildhibaan Sheekh Shariif ayaa guul weyn laga gaaray, taasoo ah inay labada beelood galeen heshiis rasmi ah.
Wararku waxay
vv
Gogoshan Nabadeed oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Ahmed oo ay wehliyeen Duubabka Dhaqanka Mudullood ayaa go’aan looga gaaray colaada labada beelood ee lagu dhex dhigay heshiis dib u heshiisiin oo rasmi ah,
Soo laabida gogosha iyo heshiiska la gaaray waxaa loo gowracay labo neef oo ida ahaa  kuwaasoo loogu magac daray Axdi iyo Duco.
Odayaasha labada beelood ayaa ku balamay in la xoojiyo axdiga la isla galay ee dhanka dib u heshisiinta si loo dhaqan geliyo heshiiska.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 11 peopleMay be an image of 8 people and weddingMay be an image of 1 personMay be an image of 11 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 11 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here