BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kulamadii halkaasi uga socday dhaqanka Beelaha Muddulood iyo Xawaadle laga gaaray heshiis horu dhac ah.
Kulamadaaan oo lagu xalinayay askartii Beesha Xawaadle u dhalatay ee khamiistii hore lagu laayay Degmada Ceel-baraf ayay labada dhinac waxay maanta ku heshiiyeen in la aaso medyadka askartaasi rabi ha u wada naxasriistee kuwaasoo aan la aasin.
Shirkaani oo ay labada dhinac kala hogaaminayaan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo Imaam Daahir Imaam Cumar ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in halkaasi laga sii anbi qaadi doono xalka kama danbeys la doonayo in laga gaaro dhibaatadaasi.
Shirka marka dhaqanka laga yimaado waxaa sidoo kale qeyb ka ah siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ku matala Dowlada Somalia sida Wasiirka Macdanta ,xildhibaanada qaarkood iyo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonkla Sanbaloolshe oo maanta gaaray Madasha shirkaasi ka socda ee Baladweyne.
Mid ka mida Nabadoonada Beesha Mudduulood Muxudiin Xasan Afrax ayaa saxaafada u xaqiijiyay heshiiska maanta la gaaray.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM