LUUQ (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa shirar nabadeyn ah ka wada Magaalada Luuq  ee Gobolka Geddo oo dhawaan ay laba beelood isku fara-saareen.

Maxamuud Sayid Adan wuxuu ugu baaqay dhinacyadii ku dagaalamay degmada Luuq xabad joojin shuruud la’aan ah, iyo in la bad-baadiyo hantida shacabkii barakacay.

Advertisement

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Xukuumada Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed ayaa saxaafada u sheegay in wadahadal kadib shirarkii nabadeynta laga soo saaray qodobo  hordhac ah .

Qodobada lagu heshiiyay waxay kala yihiin:-

1-Xabad-koojon shuruud la’aan ah.

2-In Nabada guud ee Degmada  la wada qaato,qofkii dil geystana ay isaga u gaar tahay , talaabo wada-jir ahna laga qaado.

3-In dhinacayda dagaaashan u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinaayo mushkiladii dhacday.

4-Inlaga fogaado wax kasta carqaladeynaya nabada deegaanka iyo wada-hadalada socda.

5-in dhinacyada Magaalada ku sugan ay bad-baadiyaan hantida dadka barakacay,iyadoon qofna heybtiisa wax loogu geysan karin.

Ugu danbeyn Wasiirka wuxuu ku baaqay nabad sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadkii barakacay inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here