HomeWarkiiHeshiis dhex-maray Al-shabaab iyo Ganacsatada Koofur-Galbeed oo dhaqan galay

Heshiis dhex-maray Al-shabaab iyo Ganacsatada Koofur-Galbeed oo dhaqan galay

BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanada Maamulka Koofur-Galbeed ayaa sheegaya in shir u socday dhowr maalmood ganacsatada reer Bay iyo Bakool iyo Alshabab ay ugu dambeeyen heshiiyo wada galeen.

Sida wararku sheegayaan waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la qaado xayirad dhanka isku socodka ah oo kooxda Alshabaab sanado badan saareen deegaanada bay iyo bakool.

Shirka heshiiska lagu kala saxiixday wuxuu ka dhacay deeggaanka Buush-Madiino oo Gobolka Bay,wuxuuna dhacay shalay.

Heehiiskaasnm oo aan la ogeyn waxa ay ganacsatada reer Bayu iyo Bakool ku badasheen ayaa la soo sheegayaa inuu meesha ka saari doono deegaano u badan dhanka Gobolka Bakool oo dhowr iyo toban sano go’doonsan.

Deegaanada qaar waxaa la soo sheegayaa inay xaalad aad u adag ku noolaayeen  islamarkaana uu heshiiskaani dan u yahay.

lama yaqaan sida Dowlada Somalia uga fal-celin doonto madaama aysan ogoleyn wax heshiis ah in lala galo kooxda Alshabaab , taas badalkeedana ay Dowladu dooneyso in lala dagaalo la cunaqabteeyo dhanka dhaqaalaha.

Talaabada ay qaadeen Ganacsatadaani waxay si weyn uga hor imaanayaan qorshaha Dowlada ee dhanka la xisaabtanka Alshabaab.

Si kastaba wararka ugu dambeeya ee la helayo ayaa sheegaya in durba uu maanta hir-galay heshiiskaani gaar ahaan Degmada Qansaxdheere oo wadooyin ka xirnaa loo furey,waxaana la arkayay shacabka degmadaasi oo isu soo bax ku muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin.

Shacabka ayaa sheegay in jidka oo ka xirnaa 13 sano ay Alle uga mahad celinayaan in dib loogu furey.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMOpen photo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -