ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida Wasiirada Dalka Itoobiya ayaa maanta Baarlamaanka horgeeyay heshiiskii ay sanadkaan bilowgiisa kala saxiixdeen  Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland kaasoo ahaa sharci daro ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo saadka ee dowladda Itoobiya, Alemu Sime oo heshiiskaasi gaarsiiyay Baarlamaanka Itoobiya ayaa xusay in heshiiskaasi  ah ka caawinayo sidii Itoobiya ku heli lahayd marin-badeed ka mida dhulka Somalia.

Advertisement

Madaxa fulinta Mac-hadka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru ayaa shaaciyay ineysan Itoobiya marna ka tanaasuli doonin rabitaankooda qeyb ka mida badda Somalia.

Jacfar Bedru wuxuu intaasi ku daray in wax uu ugu yeeray Caddwga Itoobiya ay ka shaqeynayaan sidii Itoobiya looga saari lahaa wada-xaajoodka ku saabsan badda cas.

“Itoobiya mudaba waxay halgan  ugu jirtay raadinta badda cas waana mid ku xiran jiritaankeeda, qaar ka mida dariskeenna waxay rabaan inay inay meesha ka saaraan rabitaankeena, badda cas  iyo Itoobiya axaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah ” ayuu yiri Jacfar Bedru.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here