Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha -NIRA, Cabdiweli Cali Timacadde.

kulankaan waxaa diiradda lagu saaray sidii loo diiwaan-galin lahaa dadka ku barakacay gudaha dalka ( IDPs) waxaana la soo jeediyay in ay dowladda bixiso lacagta diiwaan-galinta dadka xerhaya barakaca ku jira, si loo yareeyo loogana hortago leexsashada gargaarka ee lagula kaco dadka nugul.

Ugu danbeeyn, labada Hay’adood ayaa ballan-qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeynta iyo badbaadinta dadka nugul ee ku barakacay gudaha dalka.
May be an image of 4 people, suit, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people, suit, chess and textMay be an image of 2 people, suit, dais and textMay be an image of 2 people, suit and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here