Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ee SoDMA ayaa Dowladda iyo Shacabka uga tacsiyeysay dhibaatada ay ka dhaxleyn Dabka Xooggan ee 8 cisho kahor ka kacay Magaalada Los Angeles ee Dalka Maraykanka.

Magaaladaan dhacda Koofurta California ayaa la tacaaleysa daminta Dabkaas oo baabi’iyay dhul baaxad weyn isla markaana khasaara lagu qadarayo Ballaayiin Doollar ka geystay Magaalada labaad ee ugu weyn Dalka Maraykanka ee Los Angeles.

Advertisement

“Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya SoDMA waxa ay garab taagan tahay Dadkii uu saameeyay Dabka ka kacay California, waxa aan garawsanahay kaalmada Maraykanka ee Soomaaliya siiyay iyo sida ay safka hore Dowladdaas ugu noqotay u gurmashada Soomaaliya” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda SoDMA.

Waxa ay sheegtay SoDMA in ay waaya arag ku tahay xaaladaha ka dhasha Musiibooyinka sidaas awgeed ay xannuunka la qaybsaneyso dadka ku nool California kuwaas oo ku guryo waayay kuna hanti waayay musiibadaas Dabka ka dhalatay.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka SoDMA:

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here