Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa furay shir lagu dhisayo Guddiga Isku-xirka Hay’adaha u xilsaaran Maaraynta iyo wadashaqaynta bar-xuduudeedyada Maamul Goboleedka Galmudug.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in muhiimadda uu leeyahay dhisidda Guddigan ay tahay in si wadajir uga wada shaqeeyaan adkaynta amniga xuduudaha, fududaynta isku socodka dadka iyo Ganacsiga sharciga ah.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa ku booriyay xubnaha Guddiga in la xoojiyo isdhaafsiga xogta iyo macluumaadka, isla markaana la joogteeyo kulamada iyo kormeerka, si sare loogu qaado wadasahqaynta hay’adaha ka dhaxaysa. 






Advertisement