=XIGASHO BBC SOMALI=

Itoobiya

Advertisement

Iyadoo xiisadda u dhaxaysa labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay sii xumaanaysay tan iyo bilowgii sanadkan markii Addis Ababa ay heshiis is afgarada la saxiixatay Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland taasoo si weyn uga caraysiisay Muqdisho.

Labada dal ayaa wareegyo wadahadallo aan ergooyin is arag ku yeeshay Turkiga kuwaas oo an wax natiijo ah ka soo bixin, wadahadalladaas oo Turkigu dhex dhexaadiye ka ahaa.

Itoobiya ayaa dhowr iyo tobankii saac ee la soo dhaafay soo saartay qoraallo iyo hadalo ay kaga hadlayaan xaaladda gobolka iyagoo ka digay haddii Soomaaliy ay yimaadaan ciidamo ka socdo dalka Masar oo la filayo inay qayb ka noqdaan howlgalka cusub ee AUSOM ee beddelaya kii hore bilowga sanadka soo socda.

Masar ayuu khilaaf muddo dheer kala dhaxeeyey Itoobiya kaas oo oo la xiriira qaybsiga khayraadka biyaha ee wabiga Niilka Buluugga ah ka dib markii Itoobiya ay sheegtay inay biyo xireen ka dhisayso daanta webiga Niil ee dalkeeda kaas oo ay si weyn ugu soo horjeensatay Masar oo ka mida dalalka uu webiga Niil maro.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atskeselassie, oo maanta warbaahinta kula hadlay Addis Ababa ayaa mar kale ka hadlay xaaladda ka taagan gobolka.

Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta dalkaas ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliya “qaar” hadallo cadawtinimo ah iyadoo ay sii xumaanayso xiisadda u dhexeysa labada dal ee deriska ah.

Hadalka Taye Atskeselassie ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay gacansaar la yeelanayso kooxo dibadda ah oo aan la magac dhabin ujeedkooduna yahay in ay gobolka khalkhalgeliyaan

“Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa hawlahooda caadiga ah ka dhigtay inay ballaariyaan khilaafaadka,” ayuu Mr Taye u sheegay suxufiyiinta Jimcihii isagoo ku sugan caasimadda dalka ee Addis Ababa.

Isaga oo tixraacaya ku lug lahaanshaha Itoobiya ee howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, diblumaasigan Itoobiyaanka ah ayaa intaa ku daray in saraakiisha Soomaaliya “ay udub dhexaad u yihiin hadalkooda si ay u wiiqaan nafhurnimada askarta Itoobiya ay u bixiyeen” dalka.

Mar uu ka hadlayay wadahadalkii Ankara ee Soomaaliya, wuxuu qiray horumarka la gaaray, wuxuuna sheegay in hadalada kicinta ah ee ka imaanaya shaqsiyaad gaar ah iyo ciidamad la marti galinayo ay tahay inaysan wiiqin dadaalladaas.

Wadashaqeynta ciidamada cadawga ah ayuu ku tilmaamay wasiirka arrimaha dibadda itoobiya mid aragti gaaban oo aan faa’iido lahayn.

“Itoobiya waxay doonaysaa inay ku xalliso khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si nabad ah iyo dadaallo dublamaasiyadeed” ayuu yiri Mr. Taye.Itoobiya

Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Masar ayaa subaxnimadii Talaadada soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo wata hub iyo rasaas, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba dublamaasiyiin iyo sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Reuters, waxay sheegtay in Masar ay Soomaaliya soo gaarsiisay gargaarkii ugu horreeyay ee milateri in ka badan afartan sano Talaadadii, saddex ilo-wareedyo diblomaasiyadeed iyo kuwo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in tallaabadan ay u badan tahay inay sii xoojin doonto xiisadda u dhexeysa labada dal iyo Itoobiya.

BBC-da oo xiriirro kala duwan la samaysay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya si ay wax ugu waydiiso arrintaas ayeysan u suuragelin.

Maxay Somaliland ka tiri?SOMALILAND

Fadhi ay lahaayeen golaha wasiirada ee Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland oo shalay ka qabsoomay Hargaysaa ayaa qodob ka mid ahaa qobadii shirka ka soo baxay waxaa ka mida ahaa sida ay Somailand u aragto ciidamada Masar ee la shegay inay imaanayan Somaliya.

“Golaha wasiirradu waxa uu si adag uga digayaa xoogaga shisheeye ee meelaha fog-fog lagaga soo daabulayo gobolka geeska Afrika oo ay ka mid yihiin ciidamada Masaaridu ku soo daabulayso Muqdisho kuwaas oo maanta ay uga baahi badan yihiin inay u gurmadaan walaalahooda Qasa ee deriska la ah ee la daranyeysan baahida, darxumada, colaadaha iyo macaluusha. Taasi waxay cadaynaysaa inay ciidamada Masar u socdaan dano iyaga u gaar ah ee aanay u socon dano Soomaaliya ay leedahay, imaatinkooduna uu dab iyo colaado hor leh uu ka hurin doono Gobolka geeska Afrka” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirada.

War saxaafeed markii danbe ku qornaa luuqada Ingriiska oo ay soo saartay Somaliland waxa lagu sheegay inay beesha caalamka ka dalbanayaan inay si deg dega u cambaareeyaan dhaqaaqan masar ee halista leh.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here