War ay soo saartay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay ka dhacday deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warka ayaa intaasi ku daray in Howlgalka Duqeyn lagu bartilmaameysaday xubno ka tirsan Al shabaab, waxaana lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad gaarayay 29 xubnood oo Kooxda Al shabaab ka tirsan.
Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn kale oo xoogan ay ka geysteen Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Jambaluul.
Bayaanka waxaa lagu yiri “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal ay qaadeen lagu Khaarijiyay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab.
24 kii saac ee lasoo dhaafay ayay Dowladdu sheegtay in Howlgalladan soo bilowday ilaa iyo haddana socda waxaana sida lagu sheegay Bayaankaan kasoo baxay NISA in jab xoog leh lagu gaarsiiyay Argagixisada.
Ugu dambeeyn waxa ay Hay’adda NISA, dadka rayidka ah ay ku wargalisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalamayaasha Al shabaab ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.
