Muqdisho-Soomaaliya October,15, 2024: Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ,waxaana kulanka shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhageysiga hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed , sida ay u arkaan Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo uu guddigu ku guda jiro Diyaarinta Warbixinta Akhrintiisa labaad, waxaana Guddiga uu hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ,ka dhageystay talooyin la xiriira hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay inuu Sharcigan uu muhiimad weyn u leeyahay bahda waxbarashada Dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, people studying and daisMay be an image of 1 person
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here