Maareeye ku xigeenka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Degmada Deyniile, Mudane Cumar Maxamuud, ayaa si rasmi ah maanta xarigga uga jaray xarunta Cusub ee Hay’adda NIRA ku yeelanayso Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Maareeye ku xigeenka ayaa sheegay inay dardar galinayaan bixinta adeegga Aqoonsiga Qaranka, islamarkaanna NIRA ay ka shaqeenayso sidii Shacabka loogu dhaweyn lahaa goobaha diiwaan galinta.
Sidoo kole Guddoomiyaha Degmada Deyniile ayaa ka mahadceliyay sida shacabka loogu sahlay inay dagmadooda loogu keenu adeegga Diiwaan galinta Qaranka, isagoo sidoo kale xusay in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adda, bulshadana ugu baaqay inay is-diiwaangeliyaan.May be an image of 2 people and text that says "1er NIRA MUODISHO AYAKMUDANI HUD"May be an image of 2 people, people studying, television, newsroom and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, people studying and table
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here