Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gaadiid sida shixnad gargaar ah waxa ay u dirtay magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiidkaan ayaa sida gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxa ayna gaarayaan 10-gaari oo ah nuuca xamuulka qaada, iyadoo SoDMA mucaawinadan ugu talagashay shacabka ku nool Mesegawaa oo dagaal adag kula jira khawaarijta.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an fulinta awaamiirta Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul wasaaraha XFS oo ah in goobaha laga saaro khawaarijta bulshada ku nool ay gaarsiiso gurmad kasta oo la heli karo, ka fulinta mashaariicyo iyo gaarsiinta deegaannadaas adeegyada aas aasiga u ah bulshada.
May be an image of jeep and roadMay be an image of golf buggy, jeep and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of road, timber yard and textMay be an image of jeep, road and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here